Waxaan aad uga cudur daaranayaa inaan qof walba oo social media igala soo xiriiro aan la hadli karin, yacni maalin walba WhatsApp iyo email isku darkooda waxaan helaa kun farriin ka badan, qaarkood waxay ku soo wacayaan waqti dambe adigoo habeen jooga, ama maalinti adigoo shaqo adag ku jira, runtii saaxibada isku level ma wada aha waxaa ku jira dad aqoon leh oo fahmi kara qofka inuu mashquul yahay, inuu farriin kasta ka jawaabi karin isla waqtigaas, laga yaabee markuu firaaqo helo in farriintaadii qaar badan ka dambeeyeen qofkiina daalo isagoo aan soo gaarin farriin taadii, marka waa inaad ogaato 3 qodob oo muhiim ah.

  1. Waxaan u jawaabi karaa oo aan hubaa inaan is heli karno arday koorso iibsaday oo suáal qaba.
  2. Arday cusub oo raba inuu koorsada qaato is diiwaan geliyey lacagtii bixiyay soona diray screenshot.
  3. Qof raba inaan si gaar ah uga hadalno mashruuc ganacsi.

Sababta seddexdaan qolo aan farriintooda u heli karo waa in support teamku qabaan amar ah inay si gaar ah isaga xil saaraan seddexdaan qolo, marka hadii aad soo qorto hadal caadi ah sida sxbow ii warran, farriintaada ima soo gaari doonto.

Waxaan ku dhiirra gelinayaa qof walba oo raba inuu isku filnaasho gaaro, ama shaqo haysta lkn Online raba inuu lacag dheeraad ah ka sameeyo fadlan ku dadaal 3 qodob.

  1. Marka hore serious noqo oo dhab hakaa ahaato waxaad rabto.
  2. Waqti u samayso howshan.
  3. Dadaal la imow, baaritaan badan samey, mowduuc kasta cashirro free ah ayaan soo geliyey YouTube-ka qaybta playlistga, Koorsooyin 3 heer ahna waan idiin diyaariyay oo aad ka heli karto website-ka abdishakur.me

Qofkii ay dhab ka tahay inuu meel iska soo saaro waxaan leeyahay guuleyso diyaar ayaan u ahay inaan ku gacan qabto lkn gacan qabashadaydu maaha inaan adiga iyo aniga si shaqsi ah u wada hadalno, cashirrada ayay farriinta dhan ku jirtaa, wixi kugu adag samayso research badan samey wixi aad xal u wayso support team-ka email u soo dir ballan ka codso, fadlan sida qof profesional ah u dhaqan.

Waa u mahad celinayaa qof walba oo diyaarsan oo fahmi kara farriintan.

Ballanteenu waa xaqiiji #Isbeddel2023 ogow waxaa noo billowday 4-tii bil u dambaysay sanadka waxaana rajaynayaa inaan dardar cusub billaabi doonno.

Guulaysta

Walaalkiin Ahmed Hassan 🙏

Published by Ahmed Hassan

Ahmed hassan

Leave a comment

Design a site like this with WordPress.com
Get started