Jacaylku Jaceylku waa dareen naxariis, ixtiraam, ka fikir iyo doonista wax fiican. Qofka jacaylku hayo wuxuu markasta rabaa in wax wanaagsan gaadhsiiyo qofka iyo waxa uu jecel yahay. Inta badan dadku waxay jacaylka ku sheegaan rabitaanka qof doonayo qof kale, sida wiil raba ama jecel gabadh ama gabadh jecel wiil iwm. Dad badan oo dunida daafaheeda ku nool ayaa ka cawda jacaylka, jacaylkuna sidiisaba lama arko, lamana uriyo lamana maqlo asii waa dareen qofka bini’aadamka Illaahay ugu talagalay in loogu noolaado looguna camiro koonka ama dunida aynu ku nool nahay iyadoo la raacayo jidka uu Alle subxaana watacaalaa uu jideeyay, haseyeeshee tirakoobka arimaha jacaylka dhabta ahi dhex maro lamaanaha aad ayay u yar tahay, waxaana taas orankaraa 75%.
Waxaa isweydiin leh marka hore waa maxay sababta marar badan keenta in qof lahayste u ahaado mid kale oon abtirsiimo ka dhaxayn, kana awood waynayn?Imisaad aragteen wiil ama gabadh waqtigu ka hiiliyay oo hoos jooga mid uu nasiibku la jiro, iyadoo sidaas tahay waa meerto dunidu waxaa layiri (aduunyooy waalaley aduunyooy waayo badan maxaad waagii baryaba wacdaro gaara leedahood uwanaagsan tahay wiil mid kalena waabay suniyo u walaaqaysaa dhunkaal).
Haddaba jacaylka ayaa sidiisaba lagu tilmaamaa ilma aragtay ugudba unugyada dhiiga iyo xubnaha kale ee jidhka. Wuxuu ufidaa sida ay ufidaan laamaha geedaha cagaaran marka ay helaan biyo iyo qorax ku filan. Waxa uu ka abqaalmaa ilmada ka timaada mataanka marka hore uu haleelo haddiiba aanu labadooduba asiibin, geedkaan jacayl ayaa noqda mid gaadha oo laamihiisa dib ulanoqda haddii ay lamaanuhu isu hayn waayaan niyad saafiya ama ay wada hanan kari waayaan halganka adag ee nolosha.
Cidda keliya ee ka badbaada khasaaraha iyo dhibaatada murugada badan waa kuwa garta qiimaha iyo sida loo xanaaneeyo.Waxaa lamaanahaas lagu tilmaamaa in ay ka gudbeen ama utalaabeen geesta kale nolosha, kuwaas oo ah kuwa kaliya ee bulshada dhexdeeda ugu karaamada badan. Haddaba qiimayn iyo daraasad lagu sameeyay tirada ku guulaysata ama ka adkaata waayaha adag ee soowajaha ayaa noqda mid aad uga yar tirada lamaanaha aan usoo gudbin wareega labaad ee noloshooda, kuwaasoo loogu yeedho ama noqda qaar aad dushooda ka garato sida ba’an ee ay ugu siibteen salaanka nolosha. Sidaas oo ay tahay qoladaan laftigoodu waxay u qaybsamaan laba oo kala ah:-
- Shaqsigii keenay kala hadhka iyo dhalan dhoolka ay haddeer ku sugan yihiin iyo mida laga yaabo in uu helo waxa inta badan bulshadu utaqaano nabsibaxa oo isagu inyar ka muuqaal roon kan jabiyay wacadkii dhex yiil oo inta badan isagu isku maaweeliya heesaha jacaylka ah ee ka hadla nabsiga sida “Gacaladaydaay haddaad igoyso gam’imaayo wiil kale haddaad garabka saartee bal gudoon geeridayda gabadh yahay”.
- Shaqsiga labaad waa kan looga baxay balanta iyo wacadka, kaasi waa mid dhiban waxa uu waayay waax ka mida waaxyadiisa sida uu isagu iska dhaadhiciyay oo uu aamin sanyahay. Waxaana la soo gud boonaada dhibaatooyin aad ubadan oo ay ka mid yihiin walwal, walbahaar, walaac, wareer, islahadal, maahsanaan, ciil joogto ah, qandho, farxad la’aan, hubsiimo la’aan, ismoodsiis, jahwareer, jaljaleecid iwm.
Haddaba sida uu qabo caalim sare oo ka faalooda jacaylka wuxuu yidhi “Mar waxa uu jacaylku ku bilaabmaa aragtida mar qudha sidii uu abwaankuba ulahaa (Balan maaha jacaylkuba bandhig laysugu baaqee, waa ishaa biligtaada wax boggaaga ku beerma). Marna wuxuu ka dhexdhashaa laba qof oo is ag jooga muddo aad u dheer oo xataa lagayaabo in mid waliba kan kale ogayn arimihiisa ama ehel ahaan oon loo filayn inuu ka dhexdhasho jacaylku. Tusaale “Hibooy ina abti hadduu hilibkaygu kugu yaal ama uu habeen qudha kaa galay hunguri haka aamusine nafta baas lahadaloo hasaawi galab qudha”.
Caalimku isagoo hadalkiisa sii wada wuxuu yidhi “jacaylku wuxuu ubaahan yahay mariin ama arad bax.”
Inbadan markaad isweydiisay, oo jacayl arad baxa sidee buu oranayaa miyuu xidhanayaa oo waa qofee? Balse tolow ma arki kartaan jacayl arad baxay? Su’aashaan isagoo sii faahfaahinaya ayuu wuxuu yidhi: “Ha moodin arad baxa jacaylku inuu yahay dhar la xidho ee waxaa jira dadka is jecel ee waliba muddo meel wada daganaa waxay mar mar ubaahdaan inay isu sooxiisidoonaan tiiyoo aanu xiisahaasi ahayn mid marka hore cadho lagu kala tago balse uu yahay xagaagii oo kale oo loo dalxiis tago meel aan ahayn halkaad degenayd soo noqodkiina waxaad la soo guryo noqonaysaa buu yidhi idinkoo sita jacaylkiinii hore mid ka cusub oo aad moodo in uu hada bilow yahay.
Haddaba marka aynu intaa ku dhaafno sida iyo qaabka ay jacayladu u kala baxan waxaa iyana meesha ku jirta in layara dul istaago oo aynu inyar iftiimino faa’idada jacaylka amase qiimaha ugu roon ee laga helaayo shaygaan isaga ah uma baahna bay ila tahay inaad muddo ka sii fakarto, jawaabta su’aashaan oo ah midhaha jacaylku waa “UBAD”. Waxaa kale oon daah inaga saarnayn in inbadan oo dhalin yaro ahi ogtahay maanta sida uu yahay, waxa uu yahay iyo waliba qaabka ama habka looga bogsoodo marka hore, marka xiga iyo ugu danbayntaba taasoo sida laysku raacay dawadiisu tahay lamaanaha oo is hela waxaad moodaa inaynu ku dheeraanay sharaxa iyo hordhaca macnaha balaadhan oo uu xanbaarsan yahay jacaylku.
Waxaa jira dad badan oo uu ciilay waayuhu, kuwaasoo dhulku kala cilaalan oo is arki waayay, waxaana inta badan lagu tiriyaa dadkaa kala cilaalan in aysan is helin, sababo jira owgeed. Taasina waxa ay keentaa in uu yimaado dhibaatooyin kala duwan oo xagga maskaxiyan ah taasoo ugu danbayn isu rogta maskax wareer ama dadka qaar dhahaan Alla hebel waa dawakhay ama heblaayo in dhawayd bada ayay ku jirtay ama way fakaraysay iwm